Gudoomiyihii guddiga doorashada ee heer Federaal, Muuse Geelle Yuusuf, ayaa beeniyay warar sheegaya inay doonayaan inay fasaxaan kursiga muranka uu ka taagan yahay ee HOP86, kaasoo uu doorasho ka dhacday Beledweyne ku guulaystay taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasin.
Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa kala diray guddiyada doorashada kadib markii ay soo idlaatay hawshii loo igmaday.
Muuse Geelle oo ahaa Guddoomiyaha guddiga lakala diray,ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan talaabada ra’iisal wasaaraha , wuxuna sheegay in ay sharci tahay in lakala diro maadaama ay howshoodii soo idlaatay.
Waxaa la fahansan yahay in kala dirista Gudiyada ay soo dadajisay shaki ah in Gudiga la dhexgalay oo ay fasaxayaan Kursigii Fahad Yaasiin uu sheegtay in uu ku guulaystay.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.