Maxaa udanbeeyay dagaalka Israa’iil iyo Shiicada?

Wasiirka difaaca Israel Yoa Gallant,ayaa sheegtay in ay casharo ka baranayaan weearkii Xisbullah ee Axadii kaas oo ay ku dhinteen Afar Askari.

Wuxuu booqasho ku tagay Goobtii la weeraray oo ah meel u dhow Binyamina, una jirta 33-KM Magaalada koonfurta ee Xayfa.

“Waa in aan baarnaa oo aan eegnaa faahfaahinta, aana hirgelinaa tallaabooyin degdeg ah” ayuu yiri wasiirka oo intaas ku daray in ay xoogga saarayaan dadaallo lagu sameynayo xal wax looga qabanayo khatarta diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

Ciidamada Israel,waxay sheegeen in ay duqeeyeen 200 oo Goobood oo Xisbullah ku leedahay Lubnaan.

Dhinaca Qasa, IDF waxay sheegeen in ay Ciribtireen argagixisada,iyagoo hawada ka duqeeyay oo ay heleen Godadka hubka Xamaas.

Wasaaradda caafimaadka Qasa,waxay sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay la dilay 62 Qof,iyadoo ay dhaawacmeen 220-Qof oo kale.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading