Maxaa udanbeeyay Weerarada joogtada ah Ee Ruushku ku hayo Ukrain?

Magaalooyin ku yaalla dalka Ukraine,ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday mowjado Gantaallo ah oo Ruushku leeyahay,taasoo ka mid ah dukheymihii ugu waaweynaa tan iyo markii uu dagaalka billowday.

Ugu yaraan Saddex Qof oo ay ku jirto Gabar 14 jir ah,ayaa loo qaaday Isbitaalka ka dib markii ay qaraxyo ka dhaceen caasimadda Kyiv, sida uu sheegay Duqa magaalada.

Qaraxyo,ayaa sidoo kale laga maqlay magaalooyinka Kharkiv, Odesa, Lviv iyo Zhytomyr.

Milateriga Ukraine ayaa sheegay in 69-Gantaal la riday, iyadoo difaaca Cirka uu qabtay 54-ka mid ah.

Mar sii horreysay, la taliyaha Madaxweynaha Mykhailo Podolyak,ayaa sheegay in in ka badan 120 gantaal lagu soo riday kaabayaasha rayidka.

Dukheymaha cirka ah,ayaa socday ku dhawaad ​​Shan Saacadood, waxaana hogaamiyaha Gobolka ee Koonfurta Odesa, Maksym Marchenko uu sheegay in weerar weyn oo gantaalo ah oo lagu qaaday Ukraine.

Ciidamada Cirka Ukraine,ayaa sheegay in Ruushka uu dalkaas ka weeraray Jihooyin kala duwan iyaga oo adeegsanaya Gantaalada hawada iyo kuwa Badda ku salaysan iyo tiro ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Kamikaze.

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading