Maxaa udanbeeyay xaalada cakiran Ee Wadanka Niger?

Diblumaasi sare oo Mareykan ah,ayaa sheegtay in uu wadahadallo furan oo adag la yeelatay taliska millateriga Afgembiga kula wareegay dalka Niger.

Victoria Nuland, oo ah ku simaha ku xiigeenka xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka,ayaa sheegtay in hogaamiyeyaasha Afgembiga kula wareegay dalka aanay ogolaan in ay Dalka dib ugu soo celiyaan nidaamkii dimuqraadiga ahaa.

Sidoo kake waxay sheegtay in ay ka hor istaageen in ay la kulanto Madaxweynaha xilka laga qaaday, Mohamed Bazoum.

Xubnaha Ururka Dhaqaalaha ee Wadamada Galbeedka Afrika ee loo soo gaabiyo ECOWAS,ayaa lagu wadaa inay kulmaan khamiista.

ECOWAS,ayaa hore Taliska Millateriga Niger ugu sheegay in ay qaadi doono tallaabo milatari, hadii aanay soo siideyn Madaxweyne Maxamed Bazoum.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading