Maxaa uqabsoomay Madaxweyne Dani todobaadkiisi ugu horeeyay?

Madaxweynaha la doortay mudane Siciid Cabdulaahi Dani ee mudada Todobaadka ah hayay hogaanka Puntland,ayaa la oran karaa waxuu qaaday talaabooyin soo dhaweyn mudan.

talaabooyinka in loo hakado mudan ee Madaxweynuhu ku bilaabay dhaqaaqiisa,ayaa waxaa ka mid ah:-

1.Madaxweyne Dani waxuu shaqada galaa Lixda Subaxnimo waxuuna ku garaa ilaa Lix saaac oo habeenimo.

2.Madaxweyne Dani waxuu iskugu yeeray dhamaan hay’adaha Qaramada Midoobey ee dalka jooga,isagoo mid mid ula xisaabtamay.

3.Madaxweyne Dani waxuu joojiyay dhismayaasha xarumaha Dowladu lahaan jirtay ka socday ilaa amar danbe.

4.Madaxweyne Dani waxuu joojiyay in wax dhaqaale ah ay ka baxaan khasnadaha Dowlada,Bankiga iyo Xawaaladaha gaarka loo leeyahay.

5.Madaxweyne Dani waxuu dhisay gudi tirakooba hantida Dowlada.

6.Madaxweyne Dani waxuu magacaabay gudiyo diyaariya caleema saarka Madaxweynaha.

7.Madaxweyne Dani waxuu la kulmay shaqaalaha Madaxtooyada waxuuna u sheegay in ay shaqadooda ay wataan, oo kii qabiil u shaqayn jiray uu hada irida ka baxo kii Puntland u shaqayn jirayna uu shaqadiisa sii wato cid ku xadgudbaysaana aysan jirin.

8.Madaxweyne Dani waxuu talaabo ka qaaday ilaalo shirkado ganacsi oo iska hor imaad ku dhexmaray Bosaso.

9.Madaxweyne Dani waxuu kulamo is daba jooga ah oo bulshada lagu dajinayo laguna dhisayo kalsoonidooda la leeyashay haldoorka.

10.Madaxweyne Dani waxuu udiray caleema saarkii Madaxweynaha doorashadiisu ay ku geeriyoodeen 15-ka qof kuna dhaaawacmeen 150-ka qof ee Lafta gareen wafti,waxuuna ka baaqsaday tagida goobtaas.

11.Madaxweyne Dani waxuu hakiyay daabacaada Lacagta Shilin Somaliga.

isku soo wada duuboo Madaxweynaha talada haya wax ka yar 10-cisho waxuu sameeyay talaabooyin loo riyaaqay oo unoqday dhaqaaq miisaaman uu oo ku bilaabay hogaamintiisa 5-ta sano.

Bulshada Puntland oo si feejignaan ku dheehan tahay usoo dhaweeyay doorashadiisa,ayaa hada moodaa in walwalkii xooganaa ee ay qabeen kasoo dagayo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading