Maxaabiis fara badan oo laga sii daayay Jeel Ogaadeen Jig-jiga

Wararka ka imanaya Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in maanta xabsiga magaalada Jigjiga laga soo daayey maxaabiis badan oo ay ku jiraan dad hore u ahaa siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan booliiska.

Warar aanu ka helnay dadka degaanka waxay sheegayaan in dad badan oo ehelo ah ay maanta tageen xabsiga lagu magacaabo Jail Ogaden si ay u arkaan dad sannado badan xirnaa oo qaraabadooda ah.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa toddobaadkii hore daabacday warbixin ay ku faahfaahinayso tacaddiyo ka dhaca jeelkaasi.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading