Maxaabiis Soomaali laga siidaayay xabsi ku yaalla dalka Libya

Suspected Somali pirates captured by British Navy officials in the Gulf of Aden stand in a cell at the court in the Kenyan port city of Mombasa April 28, 2010. The court heard that the six suspected pirates hijacked MV Nada in the high seas within the Gulf of Aden while armed with weapons and fired a rocket-propelled grenade at the vessel. The case will be heard on May 5, 2010. REUTERS/Joseph Okanga (KENYA - Tags: POLITICS CRIME LAW IMAGES OF THE DAY)

Tiro dad ah oo isugu jira Muhaajiriin iyo Qaxooti ayaa laga siidaayay Isniintii Xabsi ku yaalla dalka libya,waxaana badi dadkaasi ay ka tageen dalalka Soomaaliya,Ereteriya iyo Itoobiya.

Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNCH ayaa sheegtay in dadkaan lasiidaayay,iyada oo la siiyay adeegyadii ay u baahnayeen,sida deegaano ay sii dagaan ilaa iyo inta laga daad gureynayo, waxana la sheegay in dadkaasi ay ku jiraan laba Carruur ah oo umusha lagula jiro.Afhayeen u hadlay Hay’adda UNCH oo lagu Magacaabo Bieber Bloch ayaa sheegay in Hay’addu dadkaasi ay siineyso Cunto, Guryo, Daawooyin iyo talooyin la xiriira dhinaca maskaxda ah si looga caawiyo dhibaatooyinkii ay soo mareen intii ay Xabsiga ku jireen.

“Xaalada Xabsiga waa kuwo adag in lagu noolaado goob dadku ay ka tiro bateen,ayada oo aysan jirin wax neecaaw ah oo dadka u soo geleyso waa mid adag,qeyb ahaan xarunta dhexdeeda musqulaha ayaa ah kuwo buux dhaafay taasi aawgeedna qashin qub ayaa laga dhigay qolalka Xabsiga,waxeyna leeyihiin qataro halis ah ayuu yiri Bieber Bloch.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in xabsiyada ku yaalla dalka Libya gaar ahaan tripoli ay  ku  xir xiran yihiin in ka badan saddex Kun oo magangalyo doon ah iyo kuwa tahriibayaal ah,kuwaas oo markii hore laga soo badbaadiyay dooman ee saarnaayeen dalkaasi Libya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading