Go’aanka Maxkamadda Qaramada Midoobay (ICJ) ee ku aadanaa muranka Badda ee u dhexeeyey Somaaliya iyo Kenya.
Dacwadda Kenya:
- Inuu jiro heshiis iyo is afgarad ka dhexeeya Soomaliya iyo Kenya.
- In Xariiqda si toosan (Parallel) looga jiido Raaskambooni
Soomaaliya:
- Ma jiro wax heshiis ah oo Kenya Nagaland dhexeeya
- Waa in Xariiqda loo weeciyaa si waafaqsan halka dhulku ku dhaamdo, lana raaciyo dhererka dhererka balaca (Equidistant) ah sida sharciga Aduunku qabo.
Maxkamadda ICJ oo adeegsanaysa:
- Sharciga Badaha Aduunka (Convention of the Law of the Seas) ee loo yaqaan UNCLOS oo la meel marine sanadkii 1982
- Khuburo Caalami ah oo booqatay halka Dacwaddu ka jirto
Maxkamadda oo ah Maxkamad ay leedahay Qaramada Midoobay oo loo dhisay in ay:
Dhex- dhexaadiso Waddamada markii ay isku qabtaan arrimo la xiriira xuduudaha sida berriga, badda iyo Hawada.
Maxkamadda ICJ way ka duwan tahay Maxkamadda ICC. ICJ go’aanka waxaa 15 Xaakim oo u codeeya go’aan kasta. Halka ICC (International Criminal Court) hal Xaakim go’aanka leeyahay.
Maxkamadda ICJ waxay go’aankeeda ku saleysaa: Nabad iyo Xasilooni inuu horseedo. Waana kama dambays oo racfaan ma lahan.
Go’aanka Maxkamadda ICJ 12 October 2021:
Soomaaliya:
- Xuduudda Badda waxay ka cabirtay line ka hoose ee Soomaaliya ku doodaysay. Waxay lineka dib u celisay 14 degree ilaa iyo inta 200 mile uu gaarayo, kaddibna Soomaaliya dib ayey u heleysaa wixii ka go’ay
- Maxkamaddu waxay u daneysay Kalluun Dabato (Fisheries) reer Kenya ah oo lineku kor maray ayey ka soo weecisay,
Kenya:
- Waxaa laga diiday in Soomaaliya wax heshiis ah kala dhexeeyo
- MoU ma ahayn heshiis ee wuxuu ahaa caddeyn in ay jirto muran badeed labada dal u dhexeeya
- Maxakamaddu Kenya way ka diiday in line ka (Parallel Latitude) ay u xukunto ama ay ka dhigto Asaaska laga bilaabayo cabirka
Kheyraadka:
Kenya waxay heshiis la gashay shirkadda Total iyo Eni. Waxaa baarista sameeyey Shirkad Norwegian ah oo la yiraahdo Schulemberger.
Somaaliya waxay ka Guuleysatay:
Kenya, France (Total), Italy (Eni) iyo Abu Dhabi Fun iyo Qatar Investment Authority oo maal gashaday labadaas shirkadood.
Ugu dambeyn, Siomaaliya waxay ku guuleysatay in ay hesho boqolkiiba 80% (qiyaas dhul badeedkii lagu muransanaa. Halka Kenya ka heshay boqolkiiba 20% (qiyaas).
Jibril Qoobey.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.