Berigii hore markii ay gumeystayaashu soo galeen qaarada africa, wxa jiri jidhey in dadka afrikanka madow la ganacsan jirey. iyago loo iib geyn jirey wadamada yurub iyo america si looga faidaysto xoogooda .
malinkii dambe aya dadkii loo raray mareykanka wxa ka mid ahaaa nin iyo islaantiis ka soojeeda DALKA ZIMBABWE Odeyga iyo islaanta waxay ka shaqeyn jidheen beer oo ku qayb saday nin beerta iska lahaa muddo markii ay beerta ka shaqeynayeen ayaa waxa ay dhaleen Wiil ZIMBABWE ah oo ay habartaas iyo odeygaas iska dhaleen .
Oo xaqiiqdii ahaa dad aad u mad madow oo AFRIKAAN Asal ahna ahaa wiilkii waxay ubixiyeen GORGE
GORGE:Waa uu korey waa uu weynaaday Sanado
badan ka dib waxa uu bilaabay isna inuu hooyadiis iyo aabihiis kala shaqeeyo
beertii lagu qeyb saday taas oo ay ka hayeen saddexdooduba shaqooyin aad u
culus oo Bini,aadamku aysan qaban kadhin muddo kabacdi GORGE ayaa la yimid
fikir aysan hooyadiis iyo aabihiis aysan la,iman kasoo ah inuu is weydiiyo
su,aasha ah waxa isaga ka dhigey ninka beeraha iyo shaqooyinka culus oo ay ku
raaxaysanayan loo diro caddaankana ay dabaqyada sare iyo technology iyo aqoonta
ay ugu raaxeysanayan Nolosha ficanna ugu nool yihiin.
GORGE Su,aashas markuu is weydiiyay waxaa. Usoo baxday in sababtu ay tahay in
ay cilmi ay ku gaadhen heerka ay joogan iyaguna ay cilmi la,aan reebtay oo ay
heerkaas dhigtay kadib waxa uu go,aan ku gaadhey in uu waxbarasho bilaabo waxa
uu soo qaatay buug iyo qalin
Waxana uu go,aan ku qaatay inuu iskuul tago
Wuxuu soo galay iskuul ay ku dhex jiraan ardey yar yar oo ay dhiganayan iyo
macallimiintooda iyo maamul kooda .
Ninkaan lasoco waa nin afrikaan asal ah oo
Zimbabwe yaan ah oo aad iyo aad AFRIKAN nimadu uga muuqanayso dadkaas
mareykanka joogana waa markii ugu horreysay oo dad madow ah ay arkaan markii uu
iskuulka soo galay ayaa waxaa hal mar kala cararay ardeydii oo dhan ayaa hal
mar fagatax oo yaacday
Ninkii gorge ahaa waxay ku noqotay xaalad cabsi ah dadkiina waxay u haystaan
inuu yahay GOORILE AMA DAANYEER kadib waxaa ka dhacdey meeshii muran iyo buuq
iyo kala carar iyo yasid iyo ciyaalkii caddaan ka ahaa iyo dadkii oo layaaban
qofkaan bini,aadamka ahaa oo la yaabban sida uu yahay oo aad iyo aad uga baqaya
muuqalkiisa wana xaalad culus markii ay dad bini,aadam ah ay ka baqayan
muuqalkaga waa xalad aad u culus
GORGE:Waa laga lahad lay maamulkii iyo macallimikntii lakin waa lidkii ardeyda
dhalay waxay ka codsadeen maamulku ineysan u ogalaan ninka maadaama uu
ardeydaan ka sasinaayo oo ay ka baqayaan hase ahaate ugu danbeyn waa loo
ogalaaday inuu iskuulka dhigto hase ahaatee waxaa lagu yidhi Joorjiyow waxaad
leedahay dadka ardeyda goobtan wax ku baranaya xaqqa ay leeyihiin barkood ayaad
leedahay mawada lihid ee waxa wada leedahay barkiis waxaana ardeydii loo sheegay
in ardey walba marka uu uu soo galo albaabka uu ku jiro oo uu kasoo galo in uu
ku leeyahay hal feer ah iyo hal suxul ah iyo macallimiinta oo uu ku dhufanayan
GORGE
Oo ay kaga siiyan hii haa .
Intaas oo jug ah ayuu ku dhamaystay 12sano oo
iskuulkiisa ah .
Intaa ka dib markii uu dhamaystay iskuulkii
GORGE:Waxa uu go,aan ku gaadhey inuu barto cilmiga looyaqanno cilmi nafsiga
waana cilmi aad umihiim ah oo qofka bartana uu noqonayo qofka ka gudba inta
badan dhibaatooyinka waxna fahmi kara dadku waxay la damacsan yihiinna fahmi
kara oo qiimayn kara dadku waxa ay raban iyo waxa ay fahan san yihiin qof walba
waxa uu ujeedkiisu yahayna fahmi kara weeye cilmigaasu
Si uu isaga difaaco dhagartaas oo isaga aan u ogalayn in uu xitaa yahay
bini,aadam ayuu cilmigaas bartey 2sano ayuu bartay.
Markii uu dhamaystay ayuu go aan ku ku gaadhey inuu galo oo jaamacad kadib waxa
uu jaamacad u aaday Gobalka California oo ah Gobalka ugu weyn Mareykanka waa
gobol aad u kulul kadibna waxa uu soo qaatey alaab waxa uu damcay inuu wadada
ka gudbo si ay u qaadan baabuurta u socota gobalka California
Lakin nasib darro wax baabuur ah uma aysan is taagin iyagoo ka baqaya haddii ay
ninkaan California galiyaan in dawladdu qabsato. maxaa yeelay waxaa la ogyahay
haddi gobalka California lagaliyo iney ardey badan iyo carur badan ka sasayaan
sidaa darteed gaari walba xawli ayuu ku dhaafaa wuxuu go,aan ku gaadhey inuu
lugeeyo wuxuu lugeynaayay muddo aad u dheer xaqiiqatan isaga oo boor iyo madaw
isku darsaday iyo madawgii iyo afrikaan nimadii iyo sankii weynaa isku darsaday
ayuu ku dhex dhacay California.
Waxa uu galay jaamacadda la dhaho California
waa jaamacadda ugu weyn gobalkas
jaamacaddii markii uu soo galay waxaa hal mar wadada cagta ku dhacay oo kala
baxsaday ardeydii goobta joogtay iyagoo ka baqaya inuu yahay bahal cunaya waa
arrin markaas arga gax badan kadib markii lakala cararay waxaa loo sheegay inuu
ninkaan yahay bini,aadam xaqna uleeyahy inuu wax barto Hayado ayaa kala hadlay
haloo ogalaado ayaa la yidhi laakin waxaa jaamacaddas dhigan jidhey Gabadh uu
dhalay Gadoomiyaha Gobalka California Gabadhii ninkaan GORGE ah markuu albaabka
kasoo galay ayayba suuxday kaddib muddo markii la rusheeyay gabadhii wey soo
kacdey Gabadhii waxa ay tidhi ninkaas jaamacadda haddii uu dhigto oo uu soo galo
anigu dhigan maayo gabadhana waa gabadh aad loo ixtiraamo oo laga dambeeyo
Hadalkeeda. maxaa yeelay waxaa dhalay Gadoomiyaha Gobalka California kadib
gabadhii waa laga la hadlay waa laga baryey war iskadaa baa la yidhi ugu
danbeyn waxay ogalaatay in loo ogalaatay inuu jaamacadda dhigto
waxay shardi ka dhigtey in laga qariyo wajigiisa haddii kale waxay sheegtay
iney u sheegayso aabbeheed Jaamacaddana la xirayo oo ah Gadoomiyaha Gobalka
California.
Maamulkii iyo macallimiintii waxay ku war
galiyeen inuu wajigiisa daboolo inta uu jaamacadda uu ku jiro haddii ay
Gadoomiyaha gabadhiisu ay aragtana ay suuxayso xaqiiqdii waa arrin naxdin badan
oo guumeysigii noocii ugu weynaa ah oo dhibaato umaraayo waxbarashadiisa
ninkaas iyo inuu heer gaaro .
Kadib waxaa loo sameeyay jawaan markaas ma jidhin mas karaati waa muddo aad u
dheer ka hor kadib waxaa loo sameeyay juwaan indhaha iyo sanka ka furan ayaa
loo Sameeyay Gobalku waa Gobalka ugu Kulul Mareykanka halkaas wax ka baro ayaa
la yidhi muddo farabadan ayuu wax ku baranaayay sidaas isagoo aad u dhididayo
ayuu sabuuradda wax ka qoran jidhey Ardeyd kale markay bareegga ubaxaan oo ay
soo cunaan isagu waxa uu aadi jidhey hawada si uu ulayr sado maxaa yelay muddo
ayuu ku jiray jawaan Taas oo ay ku khasab tay Gabadhii Gadoomiyaha Gobalka
California Taas oo aan ogalayn iney aragto wajigiisa foolxumo daraaddeed Sida
ay sheegayso haddii kale ay suuxayso.
Muddo markii uu arrinkaas ku jirey GORGE ayuu ku fakaray inuu adegsado cilmi
nafsiga uu bartay siduu gabadhan isaga difaaci lahaa .
Gabadhan isagama diffaaci karo inuu diffaaco isagama diffaaci karo inuu caayo
waayo heerkiisa waa ujeedda waxa uu isaga diffaaci karaa cilmi nafsiga uu
bartay kaliya.
Kadib waxa uu soo ogaaday gabadhay qolka ay ka dagan tahay jaamacadda kadib
waxa uu soo ogaaday waraaqaha meesha loogu rido waagaas ma jidhin taleefoonno
iyo computer iyo qalab kale waraaqo ayaa wax la isugu qori jirey qofkana meel
ayaa loogu ridi jidhey kadib markii uu meeshii soo ogaaday ayuu si qarsoodi ah
u soo qorey waraaqo jacayl oo saamayn badan ku reebaya qofka bini,aadamka ah
Qalbigiisa ayuu soo qorey.
Waraaqahas markuu qorayay waxa uu kala
haray copy.
copy caadi ah ma jidhin waraaq walba markuu
qorayo mid kale oo lamid ah oo la far ah ayuu qorayay oo dhiganayay qolkiisa
isaga oo og waxa imaan karo maxaa yeelay wa nin cilmi nafsiga bartay kadib
waraaqo jacayl ah oo saameyn leh oo Qalbigeeda taabanaya ayuu ku qorey
warqadahas uu qorayo ma ahayn oo kuma qornayn waxay kasocdan hebal balse waxaa
ku qorna waxay ku socdaan hebla markaa lama gadhan karo cidda soo qortay Kadib
Boosteejadeeda ayuu ugu ridaa maalin walba oo khamiis ah kadib markii ay
ogaatay waraaqihii ay akhrisay way layaabtay saameyn ayayna ku reebtay gabadhas
kadib maalinkii labaad ayuu kuwa kale ugu ridey isagoo cidna arkayn kadib
maalin walboo ay aragto waraaqo lagu soo rido waxay aragtaa waraaqo kasii qurux
badan waraaqihii hore oo ka farshaxamaysan kaasoo qalbigeediina soo jiitey
waxayna u qaadatay in mid kamid ah ardeyda jaamacadda ee caddaanka ah uu usoo
qorey warqaddaas isla markaasna uu uyeelay qof jacel iyadiina jacayl ku
abuurey.
Laakiin ma oga inuu soo qorey GORGE waraaqahaas I.
ntaas ka bacdi Gabadhii sameyn ayay ku yeelatay waraaqahaas waxyna ku kalliftay
iney gabadhii jaamacadd kasoo daahdo muddo markey soo daaheysay marki danbe
waxay bilowday iney maalinna goyso maalinna timaaddo jaamacadda iyadoo ku
mashquulsan waraaqahaas isla markaasna waxaa maskaxdeeda waxa ka guuxaya iney
ogaato ruuxa soo qorey warqadahan nasiib darro kuma aysan guuleysan waraaqahaas
.
Maalintii danbe waxay gabadhii keentay iney jaamacadda ka harto iyadoo uu
qalbigeedu uu ku abuurey Jacayl qof aan la aqoon oo waraaqo usoo qoraya
xaqiiqdii Gorge
waraaqaha uu adegsanayo waa ku wo ka culus kana
khatarsan hubka Nuclear ka khatar badan oo qalbigeeda tooganaya waayo waa nin
cilmi nafsiga bartay waxbadannaa yaqanna .
Maalinkii danbe waxay bilowday iney jaamacadda ka harto Gabadhii waxay
maamulkii usheegen in GORGE iska saaro Jawaanka maxa yelay gabadhii ku khasbi
jidhey lama hayo arrintaas aad buu ugu farxay GORGE wuuna nafisay arrintaas
guul ayay unoqotay Islamarkasna Gabadhii inuu waxbarashada ka reebo intey iyadu
ka reebi lahayd inuu isaga ka reebo.
Gabadhii waxaa ku lixaad saday jacaylkii wuxuuna isu badalay xanuun Aabbaheed
waxaa ku cuslaatay xaaladds gabadhiisa aad ayuu u naxay waxana uu geeyay
dhakhaatiir farabadan oo Gobalka California iyo adduunka ba ah waxa loo sheegay
inuusan hayn xanuun
Jirka ah waxana laga qaadey dhacaanno farabadan balse Negative ayay dhehen
dhakhaatiirtu .
Markii danbe waxaa loo geeyay Dhakhtar Francis ah oo joogay CAASIMADDA dalkaas
ee Paris .
Dhakhtarkii wuxuu sheegay iney gabadhan wax ka maqan yihin ?
haddey hesho waxa ka maqan Gabadha wey caafimadaysaa kadib odeygii wuxuu utagay
gabadhiisi wuxuna weydiiyay waxa ka maqan
Waxay sheegtay inuu jiro wiil usoo qori jirey waraaqo isla markaasna uu san
sheegin cidda uu yahay wiilkas oo qalbigeeda hantay ayna rabto wiilkas iney
hesho .
Haddii ay wiilkas ay heshanay waxy sheegtay iney waxbadan iska badalayan
xaqiiqdii cudurkas waxa uu ahaa cudur iney udhimato ku sigatay oo aabbeheed na
kala cararayay
Waxa uu kusoo laabtay Odeygii iyo gabadhiisii California waxa uu iclaamiyay in
lagu qabto xalfado kiniisadaha iyo Jaamacadaha waxa kaliya uu raadinayo waa
wiilkii waraaqaha usoo qori jirey Gabadhas si gabadha nolosheeda si loo bad
baadiyo .
Ugu danbayntii waxaa shirara lagu qabtay Xaflad
si heer sare ah loo soo agaasimay
Ayaa lagu qabtay Jaamacadda California iyadoo ay ka soo qeyb galeen ardey badan
oo caddaan ah iyo Heer Gobol iyo Heer jaamacaded marti macallimin iyo madax
kale oo faro badan .
Iyadoo oo uu George kamid yahay ardeyda Jaamacadda Ayaa haddan waxa
macallimiinta ay ka codsadeen Inu san is tusin Martid mesha isugu yimid waayo
waxaa laga yaaba in lagu cananto oo ladhaho qofkan ma idinkaa mesha soo galiyay
waxayna galiyen qol aad ukulul halkaas ayuuna ku dulmana xaqqiisana sidaa laga
yeelay.
Kadib safkii markii si quruxbadan loo fadhiistay ayaa waxa la keenay su,aasha
ah in la raadinayo wiil usoo qori jirey waraaqaha Gabadhan iyadoona siriir lagu
wado ayaana lasoo galiyay hoolkii .
Waxaana loo ballan qaadey haddii uu wiilkas is sheego in lasiinayo 3arrimoo
dhawr ah .
1 in lasiinayo gabadha wa gabadh quruxbadan qoys laandheera ah ka dhalatay
hanti badanna leh
2 in lacag lasiin doono
3 In lagu dari doono madaxda Gobalka California
Xaqiiqdii damac ayaa galay dhalinyaradii mid walba lacagtas iyo gabadhas iyo
shaqadas inuu isku helo ayaybilaabeen dhalin yaradii.
Dhawr ayaa isa soo qaddimay mid ayaa bilaabay oo yiri aniga ayaa usoo qor
jidhey waraaqaha waxa la weydiiyay caddeyn madaxa ayuu timaha xoq xoqday wayo
wax caddeyn ah mahayo ilaa 5qof ay fashilantay oo garan weydya caddeyn ayaa
qolkii waxa kasoo baxay GORGE Dadku markay dhalinyaradu hor istaagayeen wey
usacbinayeen hase ahaatee markii isaga la arkay sacabkii ayaa jogsamay indhihii
oo dhan ayay taagen dadkii dhiniciisa ayayna utaageen waxaana la is lahaa talow
kani muxuu samayn doonaa dadkii ayuu soo dhexmaray qof walba oo uu soo dhaafo
waxa uu uu lahaa war naga fadhiiso ceeb kugu dhacday oo yaan nalagu kaa arage
GORGE waa socdey waxana uu fuuley goobtii masraxa ahayd .
Odeygii gabadha aabbaheed oo madaxda ka
ahaa.masraxa ayaa yidhi war waxa muxuu ahaa isagoo kuwii horena ku yidhi maxad
caddeynaysa balse GOERGE uu ku yidhi maxad tahay GEORGE wuxuu hal mar ku
dhawaaqey inuu yahay wiilka la raadinayo ee gabadhas halkaas jiifta Jacaylka ku
abuuray dadkii oo dhan ayaa dhafoorrada qabsaday Qaarna afka ayay qabsdeen
Qaarna hoos ayay ujeesadeen cajaaib Naxdin Oohin qaar ayaa òo yay qaarna waa ku
qoslayan waxayna noqotay arrin aad loola yaabo.
Ninkii daanyeer ka ahaa ee Gabadhii ka carari jidhey ee suuxi jidhey ee markay
aragto suuxi jidhey kana carari jidhey oo maantay jacayl ku abuurayo aad ayay
layaab unoqotay.
Kaddib aabbeheed waxa uu weydiiyay Maxaad caddeyn ah haysataa waxa uu GOERGE
lasoo baxay waraaqadihii oo uu jeebka kala soo baxay oo uu la hari jidhey Tani
waa tan tani waa tan ayuu hadalkiisii sii raaciyay.
Gabadhii oo maqlaysa ayaa indhaha kor utaagtay iyadoo kor u eegaysa Kaddib
gabdhii ayaa soo booddey iyadoo aanan Kaceyn ayay kasoo booddey sariirtii
waxayna xabadka galisey GEORGE Dadkii oo dhan ayaa istagay waana loo sacbiyay
iyadoona aad loola yaabban yahay arrinkaan waxayna wax ka badashay Taariikhda
Mareykanka oo dhan
Halkaas ayaana gabadhii lagu goddoon siiyay GOERGE Gabdhana waxa lagu maga
caabi jidhey Mariya GOERGE iyo mariya halkaas ayaa la isugu guuriyay Waxaana uu
helay lacag badan wuxuuna noqdey madaxda Gobalka California Waxaa caruur badan
udhashay Gabadhii Gadoomiyaha Gobalka California oo ahayd Gabadh Caddaan ah
baal dahab ah ayuu ka galay Mareykanka GOERGE
DHAMMAAD
UJEEDDADU WAXAA WEEYE SABRAA WAA UUGAARA Ayay SHEEKADU AHAYD WAXADNA OGAATAA WAX WALBA OO AAD ISKU DEYDO INAAD GAAREYSID HADAAD ISKA AAMINTO QOF LIITA SAA SAA WALIGAAD AHAAANAYSAA OO MEELNA GAADHI MAYSID HADDAAD ISKU DEYDO DADKA DHAN INAAD KA SAREEYSID HORAA USOCONAYSAA
Waxaa Nooga sheekeeyay aniga iyo ardey aan isku fasal ahayn Oo Fasalka 7aad is la ahayn DHAMAADKII 2015 USTAAD Mohamed Ahmed Yuusuf allaha ku xifdiyo ustaad
W/Q: Abdulaahi Abdirisack Ismaaciil Shaandheeye
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.