Maxaad ka taqaan Gudoomiyaha cusub Ee Baarlamaanka Puntland?

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta loo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, 47 cod ayuu kaga guuleystay Xildhibaan Cabdi Jamaal Maxamed Cusmaan oo wareega ugu danbeeyay ee doorashada ay ku tartameen.

Cabdirashiid ayaa siyaasada soo galay bilawgii doorashadii 2014, waxa uu ahaa qurba joog muda dheer ku noolaa Wadanka Denmark, waxa uuna markii danbe usoo guuray Magaalada Brigmiham ee Dalka Uk, waxaana aad loogu xasuustaa heeso iyo suugaan kala duwan oo u sameeyay Dawlada Puntland iyo kuwa kale oo ku dhaliilayay Madaxdii Markaas taladda haysay, sidoo kale waxa uu aad usoo shaacbaxay xiligii olalaha doorashada Puntland 2014 isaggoo taageero wayn u ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland.

Doorashadii Cabdiweli Gaas ka dib waxaa loo magacaabay Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland, marka laga yimaado shaqadiisa haddana waxa uu ka mid ahaa dadka saamaynta xoogan ku leh Madaxtooyada aadna uga agdhawaa Madaxweyne Gaas.

Cabdirashiid Tartan adag oo uu galay 2019 ayuu nasiib u helay in uu ka mid noqdo baarlamaanka Puntland isagoo kasoo galay Gobolka Sanaag, waxaana xusid mudan in kursiggaaas uu mudo dheer ku fadhiyay Gudoomiyihii Hore Axmed Cali Xaashi oo laba jeer golaha baarlamaanka Puntland soo hoggaamiyay, Cabdirashiid waxa uu shaaciyay in uu sharaxan yahay Gudoomiyaha doorashadii 2019, waxuuna ku haray Wareega Koowaad.

Abwaan Jibril waa siyaasi miisaan ku leh Deegaanka uu kasoo jeedo ee Sanaag,waana qoyska saldanada ee beesha warsangeli.sidoo kale si weyn looga tixgaliyo guud ahaan Puntland marka ay timaado qadiyada Puntlander-nimadana meel sare ka gala.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading