Maxaad ka taqaanay taariikhdii Iidi Aamiin Daada?

Idi Amin Dada wuxuu ahaa madaxwaynihii dalka Ugandha waxaanu noqday madaxwaynahayaasha ugu layaabka badan taariikhda qarnigii 20aad ee taariikhda milaadiga.

Idi Amin Dada wuxuu sannadkii 1973 dalka Israel ku amray in ay is dhiibaan isaga oo haysta saanad ciidan oo kooban, waana wakhtigii uu socday dagaalkii carabta iyo Israel.

Idi Amin ayaa ahaa nin muslim ah isla markaasina dalkaasi Ugandha ku qabsaday sannadkii 1971 xukun af ganbi millatari, xilli uu madaxwaynihii dalkaasi bookhasho ku joogay dalka Singapore, madaxwaynahani ayaa intii uu xilka hayay waxa uu sameeyey arrimo dadka reer Ugandha iyo dunnida kaleba layaab ku riday sida; in markii dawladda Mareykanku ay cunno-qabateyn saartay dalkiisa uu madaxwaynihii Mareykanka ee dalkaasi ugu baaqay in ay labadoodu isku soo baxaan oo ay feedhtamaan, maadamabuu yidhi; dadka shacabka ah ee reer Ugandha aanay waxba galabsan in cunno-qabateyn la saaraa tahay khalad.

Idi Amin Dada waxa uu ahaa askarigii ugu horeeyey ee qaata derjada sarkaal wakhtii uu guumeystaha Ingiriisku xukumaayay dalkaasi oo uu Iida ku biiray ciidamadii Ingiriiska ee dalkaasi joogay – waxa kale oo xusid mudan in iida uu noqday markii danbe taliyaha guud ee ciidamada Ugandha.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading