Maxaad kala socotaa Aas-aaskii Maxkamadda ICC?

Maxkamadda caalamiga ah ee ICC-da waxaa la aas-aasay bishii July sanadkii 2002-dii, sababta loo unkayna waxay ahayd sidii ay cadaalad u heli lahaayeen dadka ay waxyeellada ka soo gaarto dambiyada dagaal, xasuuqa iyo dambiyada ka dhanka ah aadanaha.

Sanooyin badan kadib waxaa su’aal la galinayaa in maxkamaddu ay ku guulaysatay ujeedooyinkii loo aasaasay.

Kiisaska ugu badan ee horyaalla maxkamadda waxay la xiriiraan Afrika iyo guud ahaan dunida saddexaad.

Qaar ka mid ah dalalka Afrika ee saxiixay heshiiskii Rome ee maxkamaddan lagu aasaasay ayaa horey ugu gooddiyay inay isaga baxayaan haddii aanan wax laga badelin qaabka ay u shaqeyso.

Tillaabadaan ay hadda u dalbaneyso in lagu soo xiro raysal wasaare Netanyahu ayaa loo arkaa mid ka mid ah hababka ay isaga weecineyso eedeymaha dul hoganaya ee ah in ay dhinacyo gaar ah u janjeerto.

Xigasho:-BBC.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading