Maxaad kala socotaa Maalgeliyaha Daacishta Puntland ?

Aadan Maxamed Xasan,ayaa Magaciisa afagarashadu ahaa Shaafici,kana mid ahaa 58-Maxbuus oo toogasho ku xukunaa,balse Weerarkii Xabsiga Bosaso ku baxsaday.

Aadan Bosaso,waxuu ku dilay Dad ku dhow Labaatan oo isugu jira Saraakiil,Ganacsato, iyo Isimo,ayaa 9-kii May 2020 Ciidamada PSF ku qabteen Bosaso,isaga iyo Saaxiibkiis oo markaas Qarax sida,waxaana ku dhintay hawlgalkii lagu qabanayay Aadan Sxb-kiis,halka isaguna ku dhaawacmay.

Aadan waxuu ahaa Nin Taxi ku gabada oo dhawrkii Biloodba iska badala Baabuurka.

Markii la qabtay oo uu Ciidamada uwaramay,waxuu sheegay in uu Daacish ka tirsan yahay,isla markaana uu degan yahay Guriga Axmed Yuusuf oo uu Wakiil uga ahaa Walaalkii Liibaan Dheere.

Aadan,waxuu siiyay Ciidamada xog fara badan oo ku aadan wada shaqaynta Ganacsade Liibaan Dheere,Walaalkii Axmed Yuusuf iyo kooxda argagixisada ah ee Daacish ka dhaxeeya.

Sidoo kale khasnajigii Shirakada Liibaan Company Siciid Oota Buub oo Guriga dajiyay Kooxdaas Madax jabiska ahayd,ayaa la qabtay lagana helay xog dheeriya.

Qaybta 3-aad la soco Taxanaha xiriirka Axmed Yuusuf iyo Daacish.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading