Maxaad kala socotaa Wasiir Aadan Ducaale iyo Hantidiisa?WQ C.Jubba

Wasiirka Deegaanka Kenya Aadan barre Ducaale,ayaa Baarlamaanka u sheegay in hantidiisu ay dhan tahay 980 milyan oo Kenya Shilings ah, oo u dhiganta 7.6 Milyan oo doolar .

Bishii Sebtembar 2022 oo loo magacaabay Wasiirka gaashaandhiga,hantidiisu waxay ahayd Ksh.851 milyan,taasoo ka dhigan intii u dhexeysey 2022 -2024 inay hantidiisa ay kusoo korortay lacag dhan Ksh.129 milyan .

Wasiir Ducaale oo baaramaanka u sharaxaya waxyaabaha ay hantidiisu ay ka kooban tahay,wuxuu yiri .

“Waxaan dhul ku leeyahay Gaarisa iyo Nayroobi iyo guryo kiro ah,Waxaan Gaarisa ku leeyahay xero lo’da lagu dhaqo iyo guryo kiro ah oo ku yaal Gaarisa iyo Nairobi.

Waxa kale oo aan saami ku leeyahay ganacsiyo qoyskaygu leeyihiin, oo isugu jira meherado ganacsi, waxaan dhaqdaa geel iyo lo’ .

Sidoo kale waxaan dakhli fiican ka helay iibinta Buugga taariikh nololeedkayga,kaasoo galay Numberka koowaad ee buugga loogu iibsiga badan yahay maanta.”


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading