Maxaan ka baranay dagaalka aan kula jirno khawaarijta argagixisada Daacish?

Tan iyo marki uu bilowday dagaalka aan kula jirno argagixisada Daacish Waxa jira dhacdooyin badan oo qormaya oo ay ka mid tahay dhacdada Cabdiraxmaa Faysal Baarcad (Dhagadheere) oo ah dhacdo mudan in aynu si gaar ah u xusno.

Maxay tahay haddaba dhacdada Cabdirixmaan Faysal Baarcad oo ah dhacdo foolaad u ah dhacdooyinka ka dhex dhacaya dagaalka aan kula jirno argagixisada khawaarijta ah ee daacish?

Carbdirxaam Faysal Baarcad waxa uu ku dhashay degsiimada Duud-hooyo ee degmada Rako Raaxo ee Gobolka karkaar. Waa 19 jir ka tirsan ciidamada Dowlada Puntland gaar ahaa daraawiishta. waa curadka reerka oo ka kooban 11 qof. Cabdirixmaan yare waxa uu ciidanka ku biiray waqti laga joogo hadda sannad iyo bar.

Dharjaale, 31 December 2024 waxa uu ku dhaawacmay dagaalkii gaadmada ahaa iyo ismiidaamintii wada socday ee ay argagixisada Daacish ku soo qaaday fadhiga guutada 8’aad ee ciidamada daraawiishta dowlada Puntland oo ay ciidamadu si dhirranaan iyo geesinimo leh ay isaga caabbiyeen argagaxisada.

Haddaba, dhacdada xusidda mudan waa In isla goobtaas dhaawacu ka soo gaaray Cabdiximaan yare uu ku waayey ama kaga dhinteen xubno badan oo qoyskiisa ah jiiddana ku wada jirey.

1. Aabihii Faysal Baarcad (Dhagadheere)
2. Adeerkii Siciid Axmed (Dhagadheere)
3. Adeer kale, Maxamed carab.
4. Abtigii Guray Salaad Ciise Xaaji Yuusuf.
5. Abtigii Burhaan M. Saalax Xaaji Yuusuf.
6. Ina Abtigii (wiil abtigiis dhalay) Jeenyood M. Colaad ciise Jaaji Yuusuf.

Dable Cabdiraxmaan yare markii uu ka bogsaday dhaawacii ma nasan e waxaa uu dib ugu laabtay dagaalka waxana uu ku dhaawacmay jiidda mar labaad taariikhdu markii ay ahayd 08/03/2025. Waxa aan ilaahay uga baryaya in uu mar kale Eebbe u booga dhayo.

Cabdiraxmaan Faysal Baarcad (Dhagadheere) waxa uu mudanyahay ku dayasho. Waa astaan hal’adayg, dal jacayl iyo geesinnimo. Cabdiraxmaan iyo qoyskiisu waxa ay shacabka iyo dawladaba ka mudanyihiin maamuus. Si gaar ah Dawladdu waa In ay xil weyn iska saarto isaga iyo qoyskiisaba. Qoyskiisa ku suntan foolaadnimada iyo geesnimada.

W/Q: Mohamed Fanah Carrablaawe.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading