Maxaan ka naqaan Gudoomiyaha cusub Ee Midowga Afrika?

Maxamuud Cali Yuusuf oo 58-jir ah waxa uu wasiirka arimaha dibadda ka yahay Dal yar oo istiraatiijiyad muhiim ah ugu fadhiya geeska Afrika, waxa uuna xilka wasiirka arimaha dibadda Jabuuti hayay tan iyo sannadkii 2005-tii

“Hadafkeyga ugu weyn haddii la i doorto waa inaan joojiyo shiishka saaran qaaradda”Ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee AFP wareysi uu bixiyay bishii hore.

Waxa uu sheegay in Guddiga uu u baahan yahay dib u habeyn, waxaana uu intaa ku daray in dib u habeyntaasi ay ka soo bilaabaneyso hoggaanka iyo mas’uuliyiinta sare.

Marka laga soo tago ilaalinta Nabadda iyo amniga Qaaradda, waxa uu sheegay in hamigiisu yahay in uu kobciyo horumarka dhaqaalaha iyo la tacaalidda isbeddelka cimilada.

Waxa uu ku faanayaa in uu ku hadli karo Luuqado kala duwan, waxaana uu aaminsan yahay in awooddan isgaarsiineed ay awood u siinayso in uu noqdo buundo isku xiri doonta Waqooyiga iyo Koonfurta,Bariga iyo Galbeedka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading