Maxaan ka naqaanaa hogaamiyaha Shiicada Ee qaabilay weftiga Somalida?

Cammar Al-Xakiim,waa Madaxa Dhadhaqaaqa Al-Xikma ee Wadanka Ciraaq kaas oo ah isbahaysi siyaasadeed oo dalkaas ka dhashay Sanadkii 2018-kii.

Balse horay waxa uu u soo noqday Madaxa kooxo badan oo Shiico ah oo aad u saameyn badnaa, waxaana ugu waynaa Golaha Islaamiga ah ee Sare ee Ciraaq, golahaas oo isna ahaa mid siyaasi ah.

Golahaas,ayaa waxaa hoos imaan jiray Maleeshiyadii aadka u xooganeed ee Shiicada ee la oran jiray Guutada Badar.

Kooxdaas,ayaa markii hore waxay ahayd isbahaysi xoogan oo ka dhashay kooxo kala duwan oo Shiico ah oo midoobay, waxaana sanadkii 2005-kii ay ku guuleysteen kuraastii ugu badnayd ee Baarlamaanka Wadankaas.

Kooxdaan,waxaa aasaasay oo Madax ka ahaa Cammar Aabihii oo ahaa Nin saamayn badan ku lahaa Shiicada Ciraaq.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading