Maxaan ka naqaanaa Safiirka cusub Ee Maraykanka ufadhiyaya Somaliya?

Richard H. Riley, wuxuu haatan ka shaqeeyaa safaaradda Mareykanka ee Canada, halkaas oo uu ka yahay la taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee safiirka.

Horey wuxuu u soo noqday qunsulka guud ee qunsuliyadda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Peshawar ee waddanka Pakistan.

Wuxuu sidoo kale xilal sare ka soo qabtay safaaradaha Mareykanka uu ku leeyahay dalal dhowr ah. Mar wuxuu safaaradda Mareykanka ee Norway ka ahaa ku simaha safiirka iyo ku xigeenka arrimaha howlgalka ee safaaradda Oslo.

Richard H. Riley waxa uu safaaradda Mareykanka ee ku taalla magaalada Kabul ee dalka Afghanistan kasoo qabtay xilka ku xigeenka howlgalka ee safaaradda.

Waxa uu kaloo soo qabtay ku xigeenka guud ee arrimaha howlgalka Safaraadda Mareykanka ee magaalada Sanca ee Waddanka Yemen.

Wuxuu ka mid ahaa saraakiil hoggaamineysay koox gaar ah oo Mareyknaka u qaabilsaneyd dib u dhiska gobolka Nangahar ee dalka Afghanistan.

Wuxuu soo noqday Agaasime ku xigeenkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha Masar iyo dhulka Shaam.

Richard H. Riley, oo daahfurayay barnaamij booliska Pakistan ka caawinayay la dagaalanka daroogada xilli uu qunsul ka ahaa Pakistan sanadkii 2021-kii.

Qoraalka sawirka,Richard H. Riley, oo daahfurayay barnaamij booliska Pakistan ka caawinayay la dagaalanka daroogada xilli uu qunsul ka ahaa Pakistan sanadkii 2021-kii
Safaaradda Mareykanka ee Baqdaad wuxuu mar kasoo noqday madaxa isku duwidda arrimaha dimuqraadiyadda iyo xuquuqul insaanka.

Richard H. Rile,Safiirka cusub ee loo magacaabay Soomaaliya wuxuu sidoo kale kasoo shaqeeyay dalal dhowr oo ay kamid yihiin, Ingiriiska, Ruushka, Shiinaha iyo Jamaiga.

Wuxuu shahaadada Labaad ee Jaamacadda uu ka heystaa jaamacadda Harvard gaar ahaan qeybta ganacsiga, sidoo kale shahaadada labaad wuxuu ka qaatay jaamacadda National Defense isagoo ku takhasusay culuumta istaraatiijiyadda amniga caalamka.

Richard H. Rile, wuxuu bartay Luuqadaha Pashto, Carabi, Ruushka, Faransiiska iyo luuqadda Mandarin ee looga hadlo dalka Shiinaha.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading