Maxaan kala soconaa xogaha qarsoon Ee socdaalka Xamse Kenya?

Xogaha hoose ee laga helayo socdaalka RW Xamse ee Kenya,ayaa tilmaamaya in uu yahay mid daaran ujeedo qarsoon.

Xamse si Madaxbanaan uma tagin Nayrobi ee waa loo diray,waxa ugu weyn ee Nayrobi loo geeyayna,waa in Kenya ay aqbasho.

Heshiiska daaha la saarayo ee Kenya lala galayo,waa in Xamse uxaqiijiyo Kenya in lagu aamino karo Kismaayo oo salkeedu yahay in uu si adag ula shaqaynayo Kenya.

Xasan Shiikh iyo Ruto,ayaa horay ugu heshiiyay qorshahan,kadibna Xamse,ayaa haatan lasoo diray.

Dhanka kale Axmed Madoobe,waxaa uqorshaysan in 15-ka Bishan uu furo Dastuurka Jubaland si uu uhelo mudo xileed cusub.kadibna waxa uu shaacin doonaa Gudigiisa Doorashada.

Kooxda Xasan ee Villada,dhankooda,waxaa uqorshaysan in ay Siyaasiyan dilaan Axmed,iyagoo raba in ay kaga hor yimaadaan qoshe kasta oo uu abaabusho.

Warqada ugu horaysa ee Axmed Madoobe looga hor imaan doono,waxaa soo saari doona Xamse,sida xoguhu sheegayaan

JQ


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading