Maxamed Cabdi Majiino oo loo doortay Senator kamid ah Aqalka Sare

Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), ayaa loo doortay kursi kamid ah Golaha Aqalka Sare BJFS ee matalaya Puntland, kaddib markii uu u tanaasulay Maxamed Geedi Maxamuud oo ahaa musharaxa la tartamayay.

Xildhibaanada ayaa intaas kaddib galiyay cod gacan taag ah, waxaana Codka kalsoonida ah siiyay 65 Xildhibaan.

Senator Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), ayaa ahaa Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Dr. Siciid Cabdullaahi Deni.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading