Maxamuud Cali Yuusuf oo la wareegay hogaaminta Midowga Afrika.

Maanta,ayuu la wareegay Maxamuud Cali Yuusuf hogaaminta Midowga Afrika.

Maxamuud?

Waa Rug cadaa Diblomaadiyadeed oo leh Dabeecadihii looga baahnaa Diblomaasi,waxaana lagu sheegaa in uu yahay Nin Dabeecad fiican,aan deg-degin oo ka fiirsi badan.

Waxa uu ku hadlaa Afar Luuqadood oo kala ah…

B.Canfar.
T.Somali.
J.Faransiis.
X.Carabi.

Mudo,ayuu soo ahaa Wasiir Arima Dibadeedka Jabuti.

Caqabadaha horyaala?

1.Khilaafka Wadamada Galbeedka Afrika dhexyaal.
2.Khilaafka Congo.
3.Colaadaha Wadamada Bariga Afrika.
4.Khatarta Argagixisada gaar ahaan Daacish.
5.Qancinta Kenya oo Kursiga uga guulaystay.
6.La macmiilka Mesefeni oo si khaldan ula hadlay.
7.Saamaynta Quwadaha Caalamka ee Afrika.

Geeska Afrika iyo Maxamuud?

1.Colaada Somalida iyo Canfarta ee Itoobiya.
2.Ka hor tagida Colaada Itoobiya iyo Eretereya.
3.Daacish iyo saamaynteeda soo shaac baxday.
4.Ciidamada Midowga Afrika ee Somaliya.

Walwalka la qabo?

Itoobiya oo saamayn weyn ku leh hogaanka Midowga Afrika,iyadoo ka faa’idaysata Marti gelinteeda,ayaa keeni karta in ay Gacanta ku dhigaan oo ay ku fushato danaheeda.

Jabuti uu kasoo jeedo,isla markaana hogaamiyaheeda ku leeyahay saamayn balaaran khataraha ka imaan kara,gaar ahaan Somaliya,ayaa dareen laga muujinayaa.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading