Waxaa duqeynta fuliyay Labo diyaaradood oo nooca miigga ee F/A-18F Super Hornet oo ka soo kacay Markabka dagaal ee USS Harry S Truman oo taagnaa Badweynta Hindiya.
Duqeyntan,ayaa ah tii u horreysay ee Mareykanka fuliyay, tan iyo markii Puntland ay howlgal ka billowday dhulka Buuraleyda Cal-miskaad ee Gobolka Bari.
Diyaarada F-18 Super Hornet?
Super Hornet-ka,waa Diyaarad martay casriyeynteedii Labaad ee ugu weynayd tan iyo markii la bilaabay barnaamijka F/A-18 oo si heer sare ah u awooda dhammaan noocyada kala duwan ee howlgalka.
Waxay ku saraysaa Hawada markay timaado Gelbinta diyaaradaha kale,Sahanka,Shidaal ku shubidda hawada, taageerada hawada dhow, xakameynta difaaca hawada.
Puntland, waxaa guul weyn u ah in Caalamku aqbalay dagaalkeeda Argagixisada kagana qayb qaatay Hubkii ugu casrisanaa uguna qaalisanaa.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.