Maxay ahayd Diyaarada la tuhmay Ee Garoonka Diyaaradaha Garacad ka degtay?

Garoonka Diyaaradaha Garacad Diyaarada ka degtay ee iswaydiinta dhalisay,waxay ahayd mid Rakaab oo caadiya.

Nin Ganacsade ah oo lagu magacaabo Macallin Mowliid oo kasoo jeeda Beesha Shiikhaal ahna reer Dhinowda,ayay ka qaaday Garacad Diyaaradaas.

Macallin Mowliid,waxaa ku dhimatay Xamar Hooyadiis,sidaas,ayuuna deg-deg ugu soo kiraystay Diyaaradan.

Macallin Mowliid iyo Walaalihiis waa Qoys la yaqaan oo ka mid ah Ganacsatada reer Muqdisho.

Wasaarada Duulista Hawada ee Puntland,waa la socotay imaanshaha diyaaradaas.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading