Afhayeenka Ciidamada Booliska Bartamaha iyo Koonfurta Somaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan,ayaa faah faahin ka bixiyey is hortaaggii shalay lagu sameeyey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo loo diiday inuu ka baxo garoonka Aadan Cadde, xilli uu ku sii jeeday Baraawe.
Cabdifitaax Aadan ayaa sababta ku sheegay in guddoomiyuhu watay ciidamo fara badan iyo hub, taasina ay keentay in laga hor istaago inuu ciidamadaas kala baxo garoonka.
Afhayeenka ayaa xusay in amniga Baraawe uu sugan yahay, isla-markaana musharixiinta tegaya kaliya loo ogol yahay ilaalo gareyso 4 ama 5 nin o kaliya.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.