Keliya diinta Islaamka ma mamnuucin cunidda doofaarka, ee sidoo kale Yahuudda ayaa xaaraantimeeyay doofaarka. Si kastaba culimada diinta Islaamka ayaa qaba inay jiraan xaalado gaar ah oo la eego.
Dr. Ibraahim Sheekh Maxamed (Dasuuqi) oo ah dhaqtar ku takhasusay xanuunnada wadnaha, isla markaana ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inaysan ahayn markii ugu horreysay ee ay dhaqaatiir Muslimiin ah baaraan sida xubnaha doofaarka amaba waxyaabaha kale ee laga soo dheegtay xayawaankan ay u leeyihiin caafimaadka bani’aadamka.
Wuxuu sheegay in xubin xayawaan lagu beero bani’aadam ay soo bilaabatay xilli fog oo haatan laga joogo 800 oo sano.
“Waxaa jiray nin la yiraahdo Khazwini oo qoray buug lagu magacaabo (Cajaa’ibal Makhluuqaat) oo af Carabi ah. Waxyaabaha uu sheegay waxaa ka mid ah in lafta doofaarka oo lagu kabo tan bani’aadamka ay si wanaagsan u qabsato, sida ugu dhaqsiyaha badan u korto una toosto. Marka isku dayadu wax hadda soo bilowday maaha,” ayuu yiri.
Wuxuu dhaqtarku sheegay inay sidoo kale jiraan tijaabooyin kale oo lagu ogaaday waxtarka uu doofaarku u leeyahay caafimaadka bani’aadamka, sida maaddada insulin oo ah hoormoon uu soo saaro beer-yaraha oo jirka bani’aadamka u oggolaanaya inuu nuugo uuna qaato sokorta, taas oo uu sheegay in dadka sokorta qaba makrii hore lagu mudi jiray insulin laga soo dheegay doofaarka iyo xayawaanno kale, kahor inta aan la sameyn mid bani’aadamka laga soo dheegtay.
Dadka sokorta amaba xanuunka macaanka qaba, jirkoodu ma qaadan karo sokorta maaddaama uusan beer-yarahoodu soo saareyn insulin, waxaana lagu mudaa insulin.
Marka la eego waxa ay diinta Islaamka ka qabto in xubin doofaar lagu beero bani’aadamka ayaa Dr. Dasuuqi wuxuu yiri: “Diinta Islaamka in la cuno hilibka doofaarka waa la xaaraantinimeeyay, aayado Qur’aan ah ayaa ku soo degay, waxaa waliba lagu tilmaamay inuu nijaas yahay. Marka xubin nijaas ah in qof bani’aadam ah lagu xiro diinta xaaraan ayay ku tahay, laakiin ayaa taalla oo ah in haddii ay timaaddo baahi ah qofka bani’aadamka ah maxaa lagu badbaadiyaa diinta Islaamka meel weyn ayay kaga jirtaa.
“Haddii tusaale aad weydo wax aad cunto baqtiga ayaa kuu bannaan, doofaarka laftiisa ayaad cuni kartaa. Marka xitaa Imaam Nabawi ayaa ka hadlay, markaas kadib ayaa laga hadli jiray, oo dhahaya in xitaa ruuxa ay nafta u go’ayso in lagu rakibo wax nijaas ah ay u bannaan tahay. Diintu way oggoshahay haddii la hubo in waxan ay faa’iido u leeyihiin qofka, wax dhibaato ahna aysan u keeneyn, haddii uusna helinna uu dhimanayo oo wax kale oo beddelkooda ahna la waayo,”.
Dhaqtarka ayaa sheegay in diinta Islaamka aysan sheegin sabab gaar ah oo loo mamnuucay cunitaanka hilibka doofaarka, oo aan ka ahayn inuu nijaas yahay, “Waxyaabo badan ayaa iska dhici kara oo laga yaabo in cilmiga marka uu horumaro uu fasiro. Waxaa dhici karta haddii ay caddaato inay isu dhow yihiin hidda-sidayaasha doofaarka iyo bani’aadamka, waxaa la dhihi kara sababta loo xaaraantimeeyay waa qof bani’aadam ah oo hilib bani’aadam cunaya ayay la mid tahay, maalintaas ayaa sidaa la dhihi karaa, laakiin hadda sabab la taaban karo ma jirto”
Kahor inta aan wadnaha doofaarka lagu beerin David Bennett, dhaqaatiirta ayaa sheegtay inay dhowr hidda-side ka beddeleen wadnaha xayawaankaas oo ka weyn kan bani’aadamka isla markaana ay ku jiraan waxyaabo u diidaya jirka bani’aadamka inuu qaato.
“Hiddo-sidayaasha hadda la beddelay looma beddelin inay nijaas yihiin, ee waxaa laga hortagayaa jirka bani’aadamka haddii wax aan isaga ahayn lagu rakibo wuu diidayaa wuuna dilayaa, marka sidii taas loo yareyn lahaa ayaa wax looga beddelay hiddo-sidayaasha wadnaha doofaarka,”
Sida ay sheegeen Dr. Dasuuqi iyo khubarrada caafimaadka kaleba, doofaarka ayaa noqday xayawaanka ugu dhow ee xubnihiisa lagu beeri karo bani’aadamka, kaddib markii la ogaaday in hiddo-sidayaashiisa ay u dhow yihiin kuwa aadmiga.
“Waxaa jira in daanyeerka nooca Bamboo-ga loo yaqaanno uu sidoo kale u dhow yahay bani’aadamka. Way jiraan sheybaarro badan oo adduunka ku yaalla oo isku dayaya in xubnaha xayawaankaas lagu sameeyo isbeddello si hadhow loo isticmaalo, taasna way socotaa, laakiin waxaa la arkay in waxa ugu dhow ee haatan la adeegsan karo uu yahay doofaarka.” Ayuu yiri Dr. Dasuuqi.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.