Maxay kawada hadleen Farmaajo iyo karaash?

Farmaajo iyo Karaash Madaxweyne ku-xigeenka Dowlada Puntland Axmed Karaash oo halkaa u tagay ka qeybgalka munaasabadii caleemo saarka Madaxweynaha Koonfur-Galbeed,ayaa kulmay.

Kulanka,ayaa ahaa mdi ku kooban slaan iyo bariidin mana jirin wax intaas dhaafsiisan oo ay kawada xaajoodeen labada masuul.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo magaalada Baydhabo uga qeyb galay caleema saarka madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagaren ayaa soo hadal qaaday xiriirka u dhaxeeya Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,waxuuna sheegay in uu wanaajin doono xiriirkaas.
Madaxweynaha cusub ee Puntland oo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareysigiisii ugu horeeyay markii xilka loo doortay ku sheegay in uu raacayo dastuurka Puntland waxa uu ka qabo xiriirka uu la leeyahay dowlada federaalka.

Majiro heshiis rasmi ah oo ay wada gaareen Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah,walina waxaa taagan oo aan waxba laga qaban qodobadii horay layskugu afgaran waayay,kuwaasoo kala ah.

1-in la dedejiyo dhameystirka dastuurka federaalka.

2-in la billaabo dhismaha ciidanka qaranka iyo sugidda amniga.

3-in la dhiso guddiga garsoorka qaranka iyo in dib loo habeeyo waaxda garsoorka.

4-In loo howl-galo dib u heshiisiinta iyo midnimada qaranka.

5-In laga heshiiyo hannaanka doorashada guud ee 2021-ka iyo dhismaha xisbiyada.

6-In la xoojiyo nidaamka federaaleynta, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

7-In la mideeyo qorshaha qaran ee la xiriira wax qeybsiga, mashaariicda iyo dhaqaalaha.

8-In aan la fara galin doorashooyinka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Isku soo wada duuboo wali xal looma helin khilaafkii Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah .


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading