Maxay ka dhigan tahay tagida Xamar Ee Firdhiye?

Imaanshaha Xamar ee Firdhiye si weyn ayay uga caroodeen Xildhibaanada SL ku matala Baarlamaanka Fadaraalka iyo kooxaha Damjadiid+Daljir.

Casuumadan,waxaa lahaa Ra’isalwasaare Xamse,waxaana aqbalay Madaxweyne Xasan.

Ujeedka MW Xasan u aqbalay imaanshaha Firdhiye ee Xamar waa in Ra’isalwasaaraha miisaankiisa iyo matalaadiisa kor loo qaado.

Reer Sool booqashadan,waxay uga dhigan tahay dadaal Diblomaasi oo ay heleen.

Sidoo kale Xamse waxuu ka dhiganayaa nafis uu kaga nasanayo hadalka caan baxay ee “Xoghaya Xasan”.

Reer Sool baahida Siyaasadeed ee ay qabaan waa in si rasmi ah loogu aqoonsado Maamul.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading