Maxay ka tiri aqoonsiga ay heshay Dowlada Falastiin?

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda Falastiin,ayaa soo dhaweysay go’aannada ay qaateen dalalka Spain, Norway iyo Ireland si ay u aqoonsadaan Dawladda Falastiiniyiintu leeeyihiin.

“Tallaabadan muhiimka ah, Spain, Norway iyo Ireland waxay mar kale muujiyeen sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’an tahay xalka labada dal iyo sidii shacabka Falastiin ay u gaarsiin lahaayeen cadaaladda muddada dheer ay raadinayeen,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Falastiin.

“Intaa waxaa dheer, aqoonsiga Spain, Norway iyo Ireland, waa mid waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo dhammaan qaanuunnada Qaramada Midoobay ee khuseeya arrimahaan, kuwaas oo si wanaagsan gacan uga geysan doona dhammaan dadaallada caalamiga ah ee ku aaddan soo afjaridda gumeysiga Israa’iil ee sharci-darrada ah iyo helitaanka nabadda iyo xasilloonida gobolka. ”

War saxaafadeedka,ayaa sidoo kale loogu baaqayaa in dowladaha kale ay “sida ugu dhaqsaha badan u qaataan go’aankan mabda’a ah”.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading