Qoraal maanta ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Victoria Nuland ay ka wadahadleen ‘danaha labada dal’.

“Mareykanku wuxuu ahaanayaa saaxiib la isku halayn karo, xilli Soomaaliya ay xoojinayso hay’adaha dowliga ah, si ay u gaarto xasillooni siyaasadeed, amni iyo dhaqaale” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada.

Kulankan ayaa imaanayaa iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu 16-kii bishii hore ee May saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib ugu celinaya Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.
Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horey u sheegay in la-dagaalankii Al-Shabaab ay wiiqday go’aankii madaxweynihii hore Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale soo dhaweeyay dib u soo noqoshada ciidamada Mareykanka, iyadoo howlkii ugu horreeyay ee soo noqoshadooda ay Mareykanku kuu dileen ugu yaraan shan ka mid ah maleeshiyada Al-shahaab weerar cirka ah oo ay ku qaadeen maleeshiyada Al-shabaab meel u dhow Beer Xaani, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.