Maxay ka wada-hadleen Axmed Madoobe iyo Guddoomiye Muudeey ?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe), ayaa kulan kula qaatay xalay Muqdisho Guddoomiye ku xigeenka 1aad Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomalaiya Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey.

Kulankan ayaa labada mas’uul waxaa ay uga hadleen sidii dalka ay uga dhici lahayd Doorasho la isku raacsan yahay oo wakhtigeeda ku dhacda si looga gudbo khilaafka hareeyay doorashada xilligaan kala-guurka ah.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa Guddoomiye kuxigeenka iyo guud ahaan Golaha Shacabka waxaa uu ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan arrimaha la xiriira doorashada Soomaaliya oo weli go’aan rasmi ah laga gaarin.

Axmed Madoobe oo maalmihii la soo dhaafay ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa aad u yareyd dhaq dhaqaaqyadiisa siyaasadeed, hayeeshee waxaa uu u muuqdaa in uu haatan bilaabay kulamadiisa siyaasadeed.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading