Maxay ka wada-hadleen Axmed Madoobe & Safiirka Mareykanka ? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kula kulmey Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yukio Yamomoto.

Kulanka ayaa lagaga wada hadley xaalada Siyaasada dalka, arrimaha amniga iyo mashaariicda hormarineed ee ay Wakaalada Horumarinta ee Mareykanka (USAID) ka wado deegaanada Jubbaland.

Xaalada siyaasada ee dalka ayay madaxweynaha Jubbaland iyo safiirku isla qireen muhiimada ay leedahay wada shaqeynta Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada si caqabadaha kala duwan ee dalku kujiro si wadajir ah loogu wajaho xalna looga gaaro.

Sidoo kale kulanka ayaa looga wada hadley arrimaha amniga iyo baahida loo qabo in howlgal loo dhanyahey la qaado kaas oo ay ka qeyb qaadanayaan DFS, Dowlad goboleedyada, Amisom iyo ciidamada mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, howlgalkaas oo noqon kara xalka ugu dhow ee dalka nabadiidka laga sifeyn karo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey ciidamada Mareykanka ee ku sugan magaalada Kismaayo kuwaas oo la howlgala ciidamada Jubbaland qeybahooda kala duwan ee sida joogtada ah ula dagaalama argagixisada ragaadisey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Dowlada Mareykanka ugu mahadceliyey Wakaalada Horumarinta ee Maraykanka (USAID) taas oo tiro mashaariic ah ka fulisey deegaanada xorta ee Jubbaland.

Ugu danbeyn safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Yamomoto ayaa Madaxweynaha Jubbaland uga mahadceliyey sida hagar la’aanta ee uga qeyb qaatey intii kaga aadaneyd nidaamka deyn cafinta Soomaaliya.



Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading