Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxa Midowga Africa ee AMISOM Francisco Madera.
Labada masuul ayaa ka wada-hadlay Xiriirka AMISOM iyo Dowlad Goboleedka Galmudug iyo sidii loo xoreyn lahaa deegaanadda Galmudug ee ay haystaan Ururka Al-Shabaab, loogana garabsiin lahaa Dowlad goboleedka Galmudug in ay gacanta ku dhigaan amaanka guud ee Galmudug.
Safiirka Midowga Africa ahna Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madera, ayaa u ballan-qaaday Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug inay ka taageerayaan sidii looga xoreyn lahaa Argagixisada degaanada Galmudug ee ay ku sugan yihiin.



Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.