Maxay ka wada-hadleen Lafta-gareen iyo Odayaasha dhaqanka K/galbeed ? (VIDEO)

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo uu wehliyo Gudoomiyaha Barlamanka Koonfur Galbeed Mudane Cali Saciid Fiqi ayaa kulan Saacado socday la qaatay Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed oo uu kala hadlayey inay Doorkooda ka qaatan Hormarka Dowlada ay ku tilaabsatay iyo sidii si nabad iyo Cadaalad ah ugu dhici lahayd Arimaha Doorashooyinka Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Soomaaliya ee la qorsheeyey in lagu qabto Magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta -gareen ayaa ugu horeyn Warbixin kasiiyey Odeyaasha Xaalada Deeganada Koonfur Galbeed iyo Guulaha Laga gaaray Hormarinta Bulshada iyo Baahinta Adeegyada Dowlada Waxaana uu sidoo kale uu Xusay Madaxweynaha in Odeyaasha looga Baahanyahay inay ay Dardargeliyaan Arimaha so Xulista Ergooyinka Dooran lahaa Xildhibaanada Barlamanka Federaalka Soomaaliya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading