Maxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Czech Republic ? (VIDEO)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dalka Czech Republic u fadhiya Addis-ababa, Amb Pavel Mikes oo safar ku jooga Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Kulanka Madaxweyne Biixi iyo Safiirka dalka Czech Republic ayaa looga wada hadlay iskaashiga xidhiidh rasmi ah oo dhexmara Somaliland iyo dalka Czech iyo sidii ay labada dhinac uga wada shaqayn lahaayeen horumarinta waxbarashada, gaar ahaan farsamada gacanta, arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Madaxtooyada Somaliland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading