Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Waftiga QM ?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho, oo booqasho ku tagtay halkaas.

Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha Doorashooyinka oo Maamulka Jubbaland ay xalay soo dhamaystireen xubnahii ku dhimanaa tartamayaasha Aqalka Sare taas oo dardar galin doonta howlaha Doorashooyinka.

Marwo Anita Kiki Gbeho, ayaa Jubbaland uga mahad celisay sida ay u ilaalisay qoondada haweenka ee aqalka sare iyadoo hoosta ka xariiqday in Qaramada midoobay ay tageerayso howlaha Doorashooyinka iyo sidii loo dardar galin lahaa.

Dowlad-gobaleedka Jubbaland ayaa dhawaan soo geba-gabeyn doono doorashooyinka xubnaha uga harsan Aqalka Sare, sidoo kalena ay bilaabi doonaan doorashada Xildhibaannada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading