Maxay ka wada-hadleen Qoorqoor iyo Safiirka UK ? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo maalmahan Muqdishu u joogay arrimo shaqo ayaa maanta la kulmay Safiirka Dalka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Ben Fender.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa iska xog wareystay arrimo ay ka midyihiin Doorashada dalka iyo howlaha hortabinta leh ay wado Galmudugta cusub.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay doorka Dowladda Britain ee ku aadan horumarinta Soomaaliya.

Danjiraha ayaa ugu danbeyntii bogaadiyay kulankan muhiimka ah asagoona sheegay in ay joogteyn doonaan taageerada ay la garab taaganyihiin guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaana shacabka iyo Dowladda Galmudug.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading