Maxay ka wada-hadleen Sheekh Shariif iyo Kheyre ?

Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa caawa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, iyagoo ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashada.

Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa berri shir u furmaya, iyagoo sameysanaya Gole ay ku mideysan yihiin, waxaa shirkooda socon doonaa saddex maalin.

Ka hor shirka berri waxaa caawa illaa maanta dhacay shirar gaar gaar ah oo hordhac u ah shirka berri, waxaana hoyga Madaxweyne Shariif uu haatan noqday halka laga bilaabay dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee is bedel doonka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading