Maxay ka wada hadli doonaan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ?

JABUUTI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay gaaray dalka Jabuuti soona geba-gabeeyay booqashadii uu ku tegay dalka Burundi ayaa la filayaa in Maanta oo Arbaco ah uu la kulmo dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Arrimaha diiradda lagu saarayo kulanka labada Madaxweyne ayaa waxaa kamid ah xoojinta xiriirka walaaltinimo, xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga amni ee labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale waxa uu safarkiisa kusoo geba-gabeen doonaa Magalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya,halkaas oo lagu wado inay ku kulmaan Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulamada uu Madaxweyne Farmaajo la qaadanayo Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliland ayaa ah kuwo la wada sugayo,waxaana xiisa gooni ah leh kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi,kaas oo bilaaw u noqon doona wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading