Aqoonsiga Qaranka ( National ID),waa Aqoonsi Sharciyad haysta oo waafaqsan nidaamka Fadaraalka.
Waxaa maalgaliya Maraykanka iyo QM,waxaana looga gol leeyahay in cadayn loo helo Muwaadinka Somaliyed.
Inta badan Dadku,waxay u isticmaalaan qaadashada Basaboor Somaliga,waana Lacag la’aan qaadashadiisa.
Qofku iskuma diiwaangelin karo qaab Online ah oo waa in uu Xaafiis tagaa oo laga qaadaa Sawir iyo Faro.
Marka Qofku isdiiwaangelinayo,waxaa laga qoraa Magaca,Da’ada iyo Goobta dhalashada.
Horay,waxaa la qori jiray Magaalada uu ku dhashay Qofku,hadase,waxaa lagu daray DG uu kasoo jeedo oo hadii aad Galkacyo ku dhalatay,waxaa ku jira Barnaamijka la isticmaalayo Galkacyo PL iyo Galkacyo Galmudug.
Diiwaangelinta Doorashada?
Qorshaha Xasan wato ee Q&C PL,waa diiday mana ahan mid Sax ah oo ku fadhiya isla ogol iyo Sharciyad.
Si la mid ah PL,waxaa diiday Somalidii kale oo Xamar Hal Xisbi iskama diiwaangelin,kaliya,waxaa Gudiga Doorashada Xasan utagay Hal Xisbi oo aan ahayn kuwa waa weyn.
Gudiga Doorasho ee Xasan,wuxuu soo dhaafi la’a yahay Xamar mana soo gaarin Galkacyo.
Galkacyo Qaybta Galmudug,waxa ka furan,waa Xaafiiska Aqoonsiga Qaranka oo PL horay udiiday in Deegaamadeeda laga furo,taasoo khalad ahayd.
PL,waa Hooyada Fadaraalka,waxayna ahayd in ay hormuud u ahaato àrimaha muhiimka u ah dhaqangalkiisa.
Bulshada PL,waxaa laga rabaa in ay xaqiiqda ogaadaan oo aysan cidlo ka didin.
Wal wal majiro.
JQ.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.