Hadaysan jirin,wax qarsoon oo lagu heshiiyay Warmurtiyeedka laga soo saaray kulanka Abiy iyo Xasan waxba kama muuqdaan macno leh.
Kooxda Xasan,waxay ku doodayaan MOU-GA in ay dileen,balse majirto wax cad oo lagu dilay iyo War qoraal ah oo lagu baabi’iyay,waxaase muuqata in xawaarihii uu ku socday hoos udhacay,balse mar walba,ayuu Abiy soo celin karaa.
Qodobka Ciidamada Itoobiya ee gudaha Somaliya ku jira Xasan waxba kama qaban karo,waxna kama badali karo in uu aqbalo mooyee,waxaana heshiis ka gaaray Ugandha iyo Itoobiya.
Xasan,waxa kaliya ee uu booqashadan ka taxadaray,waa Baratakoolka oo Abiy,waxa uu soo qaatay Dhar Futashaariya iyo Kabo Safari ah,halka Xasan in la mid ah soo qaatay oo sidii Farmaajo uusan Suud iyo Tay soo xiran.
Xasan,Dal iyo Dad Somaliyed mahayo oo uu Itoobiya kula loolamo,waxa uu ka badin waayayna,waa suba salaaxa Abiy.
Booqashadiisa Xamar,waa mid jawaab u ah tagidii Xasan ee Adis-ababa oo daba socota heshiiskii Turkiga.
Waxaa muuqata in Somalidu di Guud ufahantay aragti ay hiray uqabtay PL oo ahayd “Itoobiya Cadow mahan ee waa daris Somaliyed oo loolan kala dhaxeeyo oo leh dano amni oo Qaran”
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.