Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa Isniintii shalay gaaray dalka Sacuudiga, isagoo madaxda Boqortooyada Sacuudiga kala hadlaya xabbad-joojinta Israa’iil iyo Xamaas iyo masiirka Marinka Qasa haddii dagaalka la soo afjaro.
Diblomaasiga sare ee cusub ee Mareykanka ayaa la kulmay dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Faysal Bin Farxaan.
Wadahadalka mas’uuliyiinta ayaa ka dambeeyay kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku baaqay in 2.3 milyan oo Falastiiniyiin ah laga raro Gaza lana geeyo dalalka deriska la ah, iyadoo Mareykanka uu markaas dib u habeyn ku sameynayo dhulka ciriiriga ah ee ku teedsan badda Mediterranean-ka.
Qorshahaas ayaa waxaa dhaliilay oo kasoo horjeestay Sacuudiga iyo dalalka kale ee Carabta. Waxaa sidoo kale saluugay madaxda dalal badan oo xulafo la ah Mareykanka.
Rubio iyo Maxamed Bin Salmaan waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay isku-dubaridka Gaza, arrintaas oo gacan ka geysaneysa amniga gobolka, sida ay sheegtay afhayeen u hadashay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.
Xigasho:-VOA
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.