Maxay kawada hadlayaan Deni iyo Qoor-qoor?

Kulanka Labada MW iyo wafuudooda ee PL iyo Galmudug,wuxuu daaran yahay Sadex Qodob oo kala ah….

1.Isku dhicii Beelaha Sacad iyo Leelkase oo lasoo afjarayo.

2.Isku dhaca Beelaha Dir iyo Shiikhaal oo laga wada hawlgalo.

3.Xaalka Guud ee Wadanka oo ay iska waraysanayaan.

Kulankan ugu yaraan Xasan,waxa uu ku yahay Culays usii raacay hadaladii iyo fariimihii cuslaa ee ka yimid Laftagareen.

Waa muuqaal muujinaya Galkacyo amnigeeda heerka uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale,waa muuqaal muujinaya Galkacyo oo Nabad ah Labada Maamul iyo Labada Shacab ay wadajir uga Shaqaysanayaan danahooda.

In kulan heerkiisu gaarsiisan yahay Labada MW ka qabsoomo Galkacyo xili Habeenima ah,macno weyn ayay uleedahay Galkacyo.

Galkacyo oo Nabad ah,isla markaana samaynaysa horumar,waxay utartami doontaa Caasimada Wadanka,iyadoo leh astaamo loogu xisho oo uu ugu horeeyo in lawada degan yahay oo ay tahay goob dhexdhexaad noqon karta.

 

Halkan ka daawo muuqaalka

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading