Maxay kawada hadleen Agaasimaha CIA iyo MW Xasan?

Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA William Joseph Burns ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Muqdisho, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Mahad Salad

Kulanka oo ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa looga hadlay arrimaha iskaashiga Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada.

Agaasimaha CIA ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay safaro ku marayay Gobolka Geeska Afrika, iyadoo maalin ka hor uu Nairobi kula kulmay Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Agaasimihiisa Sirdoonka.

 

https://x.com/thevillasomalia/status/1747897116700148051?s=48&t=hsizehkWv5SWUmDOBnhADQ


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading