Maxay kawada hadleen Madaxweyne Deni iyo Safaarada Maraykanka Ee Kenya ?

Nairobi : 08 November 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Nairobi ku qaabilay wafdi ka socda Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya oo ka kooban u qeybsanaha Qeybta dhaqaalaha Anne Nuechterlein iyo Muna Mohamed oo ka socota dhinaca Siyaasadda.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Guud ee Soomaaliya gaar ahaan Arrimaha dhaqaalaha iyo Siyaasadda, waxaa la boggaadiyey horumarka Puntland ka sameysay kaabayaasha dhaqaalaha sida Dhismaha Dekadda Garacad iyo qorshaha Horumarinta dhaqaalaha Puntland.

Waxaa kulanka Madaxweynaha kala qeybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading