Maxay KG iyo JL ka qabaan bixitaanka Ciidamada Itoobiya?

Mas’uuliyiin ka tirsan maamul Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubaland,ayaa muujiyey in aysan la dhacsanayn in ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka slSannadkan.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa Jimcihii sheegay in dawladda Soomaaliya filayso in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka sannadkan, marka uu dhammaado hawlgalka ATMIS.

Xuseen Shiikh Cali, oo ka hadlay X Space ay leedahay Idaacadda Goobjoog,ayaa sheegay inay jiri doonaan ciidamo ka socda waddamada kale ee ka tirsan ATMIS oo sii jooga Soomaaliya qaybna ka noqonaya hawlgalka beddelaya ATMIS oo aan weli magac loo bixin, balse la filayo inay xilka la wareegaan laga bilaabo Janaayo 2025-ka.

Hase yeeshee fikardo taas ka duwan waxaa bixiyey mas’uuliyiin ka tirsan labada maamul oo degaanadooda ay ka hawlgalaan ciidamada Itoobiya.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa u sheegay VOA in ay arrintaasi tahay “Xaalad adag.”

“Waxaa kaliya oo ka faa’iidaya waa khawaarajta, mana ahan arrin la isku raaci karo dadka wax wada leh,”Ayuu yiri.

Sidoo kale Wasiirka Amniga ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa oo sheegay in haddii ay Ciidamo Ajnabi ah ay joogayaan Soomaaliya inay jecel yihiin kuna faraxsan yihiin joogitaanka Ciidamada Itoobiya.

“Haddii hadda Dalka Ciidankaas laga wada saarayana waxay u baahatan yahay in laga tashto oo cid keliya aysan go’aan ka gaari karin. Koonfur Galbeedna way ku faraxsan tahay inay Itoobiya sii joogto,”Ayuu yiir Xasan Cabdulqaadir.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading