Maxay ku lahaayeen PL iyo SL Lacagta Xamar lagu qaybsaday?

Afarta DG ee Koonfuta &G.Banaadir iyo Dowlada Dhexe ee Dastuurka ku xadgudubtay,ayaa ku heshiiyay qaybsiga Lacag kabid Miisaaniyadeed ah oo ka timid Beesha Caalamka.

Lacagtan,ayaa gaaraysa $125-Milyan,waxaana loo qaybsaday……

1.DG iyo Gobolka Banaadir min $5-Milyan.

2.Dowlada Dhexe oo heshay $90-Milyan.

Dowlada Muqdisho ee Sharciyada caalamiga ah ee Wadanka haysata,ayaa ku dooday in laga rabo Lacag dhan $50-Milyan oo Dayn bixin ah,taasoo qayb ka ah barnaamijka Dayn Cafinta.

Dooda lagu qaybsaday Lacagtan,waxay socotay Sadex Cisho,iyadoo Dowlada Dhexe markii hore usoo bandhigtay Afarta DG iyo G.Banaadir min $1-Milyan in ay qaataan,wayse ku diideen.

SL iyo PL,ayaan qayb ka ahayn heshiiskan,balse Saami Sharciyadeed ku leh Lacagtan loogu talagalay kabista Miisaaniyadaha Maamulada Somalida oo idil.

Inkastoo si gaar ah SL Qaybteeda looga saaro markay kusoo dhacdo Khasnada guud ee Qoondada Dalka.

Qodobada kale ee heshiiskan ku qoran,waa iska Madal qurxin iyo xoojinta Warmurtiyeedka.

 

Halkan ka akhriso:-

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading