Maxay ku sakaysan tahay booqashada Xasan Shiikh Ee Yurub?

Madaxweynaha Somaliya,ayaa booqasho uga bilaabatay Qaarada Yurub,gaar ahaan Brusels iyo London.

Booqashada Madaxweynaha,ayaa ku salaysan heshiisyo uu lasoo galayo Midiwga Yurub iyo UK.

Midowga Yurub,waxuu Somaliya la saxiixanayaa heshiis wax wada qabsi oo ay ku taageerayaan hay’adaha amaanka Somaliya.

Hadafku,waa in Midowga Yurub taageero ka gaysto dhismaha Ciidamada Somaliya,isla markaana ka taageero dhanka Miisaaniyada,si loo soo afjaro joogista Ciidamada ATMIS.

Sidoo kale MW Xasan,waxuu tagayaa London,waxuuna halkaas kula saxiixan doono Dowlada UK heshiis is fahan ah oo amaanka ah.

Ingiriisku,waa Dowlada Gacanta ku haysa Qalinka Somaliya xilligan.

 

Halkan ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading