Maxay ku salaysan tahay booqashada Hogaamiyaha Sudan Ee Itoobiya?

Jeneral Cabdifataax Alburhaan, Madaxweynaha Golaha KMG ee Wadanka Sudan,ayaa gaaray Caasimada Itoobiya ee Adis-ababa.

Ra’isalwasaare Abiy,ayaa kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha ee Bole.

Abiy,wuxuu ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka in ay kawada xaajoon doonaan Jen.Cabdifitaax arrimo muhiim ah oo taagan xilligan.

Su’aalaha haldoor badan ay is waydiinayaan,ayaa ah..

Maxay yihiin arrimaha muhiimka ah ee ay kawada xaajoonayaan Abiy iyo Cabdifitaax?

Sidee hogaamiye lagu dhaliilo hogaaminta Wadankiisa in uu ku fashilmay Dal kale ugu noqon karaa Nabadoon wax xaliya?

Sidoo kale haldoor kasoo kala jeeda Labada Wadan,ayaa ku doodaya in Abiy laga baran karo oo kaliya..

B.Kala qaybin.
T.Dagaal
X.Burbur
J.Darxumo bini’aadantinnimo.

 

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading