Maxay ku salaysan tahay booqashada Xasan Shiikh Ee Eretereya?

Safarka Deg-dega ah ee uu ku tagey Eretareya maahan mid horay loosii qorsheeyay,waana mid ku saabsan sidii uu uuga hortagi lahaa Odaygu warbixin qolada mucaaradka ah soo wado oo maal mahan diyaarinteeda ay ku jireen.

Warbixintaas oo ku saabsan halkay ku danbeeyeen Ciidankii lagu soo tababaray Dalka Eretereya oo markii hore lagu sheegay 5000-Askari,balse hada ay ka joogaan wax kayar 600-Askari intii kalena meel ay jaan iyo cirib dhigeen aan la aqoon.

Kala tagista Ciidankaas,ayaa loo sababeeyay mushaar iyo Saad la’aan ay kaliftay Dowlada Xasan hogaamiyo.

Mucaaradka,ayaa ku eedeeyay Xasan in uu Ciidankaas wax kalsooniya ku qabin una yaqaan Ciidan gaar loo leeyahay taas badalkeedana uu Mushaarkii iyo Saadkii ka goosto si ay ukala tagaan.

Ma’ahan wax la qariibsan karo in Xasan keeno Muqdisho Ciidan ka socda Wadanka Ereteriya,inkastoo aan la hubin sida Ciidankaas Mushaar kooda ay ubixinayaan Wadamada Midowga Yurub.

Xasan Shiikh,ayaa aaminsan in dagaalka Shabaab ay Midowga Yurub iyo Guud ahaan Beesha Caalamku ka gaabiyeen dhaqaalihii iyo Saadkii laga filayay taas badalkeedana Xukuumadiisa cadaadis ku saarayaan in Ciidanka Atmis Dalka Somaliya laga saaro xili dagaal lagula jiro.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading