Maxay ku salaysnayd booqashada PL Ee Madaxa UNDP ?

Garoowe: 28 August, 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa qaabilay Wefti Ka Socda Hay’adda WFP oo ay hogaaminayso Mss Naoe Yakiya Agaasime ku-xigeenka Hay’adda WFP Soomaaliya oo ay qayb ka yihiin masuuliyiinta Xafiiska WFP ee Puntland

Kulanka ayaa looga hadlay Shaqooyinka ka socda Puntland ee ay taageerto WFP, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa loona xoojin lahaa wadashaqaynta WFP iyo Dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa WFP uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay u fidiyaan Puntland, gaar ahaan dedaalka ay geliyaan Arrimaha bini’aadanimada iyo Mashaariicda horumarineed.

Kulanka waxa ka qayb galay Wasiirada Wasaardaha Beeraha, Haweenka, Wasiirka Ku-xigeenka Qorshaynta iyo Saraakiil Madaxtooyo.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading